Dadka ku nool magaalada Dnipro oo ku taalla bariga magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine ayaa ku yaacay dukaamada cuntooyinka laga iibsado iyagoo ka walwalsan xaalada colaadeed iyo waxa dhici kara haddii uu dagaalku sii dheeraado.
Ibrahim Hassan Daandurey ayaa khadka telefoonka kula xiriiray Farah Ismacil Osman oo kamid ah ardayda Soomaalida ah ee ku nool magaaladaasi, wuxuuna ugu horeeyn weeydiiyay saameeynta uu ilaa iyo hadda duullaanka Ruushku ku yeeshay Magaalada.