Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Joe Biden oo ku dhawaaqay cuna-qabateyn ka dhan ah Ruushka


Biden
Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay cuna-qabateyn dhaqaale oo culus oo ka dhan ah Ruushka.

Madaxweyne Biden ayaa cuna-qabateyntani ku bartilmaameed-saday bankiyo iyo ganacsato Ruush ah, tallaabadaan oo jawaab u ah go’aanki uu madaxweyne Putin shalay ku ictiraafay madaxbannaaniada laba gobol oo ku yaalla bariga Ukriane.

Hadal uu goor-dhaweyd jeediyay ayuu madaxweyne Biden ku sheegay, in Moscow ay ku xadgudubtay qaanuunka caalamiga ah isla markaana wixi ay shalay sameysay ay billow u tahay duulaan ay damacsantahay inay ku qaaddo Ukraine.

“Qof annaga naga mid ah laguma siri karo” sheegashada madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ku saabsan Ukraine, ayuu yiri madaxweyne Bidne. Wuxuu intaasi ku daray in cuna-qabetyno kale ay jidka ku soo jiraan, haddii uu Putin ku dhaqaaqo duulaanka.

Biden wuxuu kaloo sheegay inuu ciidamo dheeraad ah u dirayo dalalka baltiga ee Yurub kuwaas oo xoojin u noqon doona ciidanka safka hore ee NATO ee jooga dalalka bariga Yurub ee deriska la ah Ruushka.

XS
SM
MD
LG