Arrintan ayay Galbeedku uga jawaabayaan tallaabadii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Isniintii ku ictiraafay madaxbannaanida gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.
Ingiriiska ayaa durbaba billaabay cuna-qabateynta ka dhanka ah Russia, isaga oo goor dhaweyd xayiraaad saaray shan banki iyo saddex maal-qabeen oo Ruush ah. Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo scoda uu ku dhawaaqo cuna-qabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka.
Midowga Yurub ayaa iyana qaadi doona tallaabo taas la mid ah. Warbixin arrintaas ku saabsan waxaa noo diyaariyay Xuseen Barre Aden.