Iskaashatada Barqomaal, oo ah iskaashato ka jirta magaalada Dhagaxleey ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ah iskaashato ku howllan habka casriga ah ee dhaqashada xoolaha iyadoo ay sheegeen masuuliyiinta Iskaashatada in habkan uu yahay mid ka wanaagsan nadaamkii hore.
Wariyaha VOA Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa, ayaa warkan kasoo direy magaalada Jigjigo ee dowlada deegaanka Somalida Itoobiya.