Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay oo Yemen lagu afduubtay


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in shan ka mid ah shaqaalaheeda Jicmihii lagu afduubtay koofurta Yemen, xilli ay kusii jeedeen magaalada Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russel Geekie ayaa sheegay in howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan, isla markaana ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka aaggaasi ka taliya ay xorriyadooda dib u soo celiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Dhanka kalana, diyaaradaha dagaalka Mareykanka nuuca F-22 ayaa shalay gaaray saldhig militari oo ku yaalla dalka Isutagga Imaaraadka Carabka, kaddib marki uu Imaaraadka duqeymo aanan horay loo arag kala kulmay dagaalyahannada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraadka ayaa kaalin muuqata ka ciyaara dagaalka lagu hoobtay ee sanadihi dhawaa ka socday dalka Yemen, isaga oo qeyb ka ah dowladaha Carbeed ee la dagaallamaya jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka hesha Iran.

XS
SM
MD
LG