Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amina Mohamed oo ku boorrisay dhinacyada Itoobiya inay gaaraan xal nabadeed 


Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed ayaa Jimcihii ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya Ethiopia inay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay dib u soo nooleeyaan kalsoonida iyo inay bilaabaan dib u heshiisiin, iyadoo colaadda waqooyiga itoobiya ay weli sii socoto, taas oo sida ay sheegtay laga cabsi qabo inay dhibaato aan la qiyaasi karin u gaysato dadka rayidka ah.

Markii ay ka soo laabatay Itoobiya, waxa ay sheegtay in ay dareen ka heshay dhammaan madaxdii ay kula kulantay waqooyiga iyo Addis Ababa in hadda uu jiro dadaal dheeraad ah oo lagu raadinayo nabadda.

Faahfaahinta warkan waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Amina Mohamed oo dhinacyada Itoobiya ku boorrisay xal nabadeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:46 0:00

XS
SM
MD
LG