Ururka bad-baadada Caruurta “Save the Children” ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso dhainyarro uu maamulka Puntland dhawaan ku ridday xakunno isugu jira dil iyo xabsi dheer, iyagoo lagu eedeeyay inay kooxo hubeysan ka tirsanaayeen.
Qoraal ka soo baxay Save the Children ayaa sheegay in xukunnadaasi ay ka hor imanayaan heshiiska QM ee xuquuqda caruuta oo ay Soomaaliya-na ansixisay 2015.