Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Antonie Blinken oo la kulmaya dhiggiisa dalalka Quad


Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Antonie Blinken ayaa Jimcaha maanta ah bilaabaya kulammo uu la qaadanayo dhiggiisa dalalka xubnaha ka ah ururka Quad. Ururkan ayaa ka kooban Maraykanka, India, Japan, iyo Australia. Blinken ayaa la-kulankiisa ka bilaabay Marise Payne oo ah wasiirka arirmaha dibadda Ausutralia. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Shiinaha, N. Korea, iyo Ukraine.

Marise Payne ayaa sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Maraykanku ay ka wada hadleen arrimaha gobolka, gaar ahaan taxaddiga ay abuurayaan dalalka N. Korea iyo Shiinuhu.

Waxay intaas ku dartay “Maanta waan wada hadalnay oo waxaan ka wada hadlanay khatarta madaxbanaani iyo ta dhuleed ee dalka Ukrraine.”

Blinken ayaa dhiniciisa yiri “Taxaddiyada meelo fog-gog ka imanaya ayaa raad ku leh gobolkan.”

XS
SM
MD
LG