Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiilkii Rayan ee Ceelka laga soo saaray oo Dhintay


Boqortooyada Morocco ayaa sheegtay inuu dhintay wiilkii Rayan ee laga soo saaray ceel uu ku go'doonsanaa.

Wiilkan oo 5 sano jir ah ayaa muddo cisho ah ku dhexjira ceelkan uu ku dhacay, waxaana shaqaalaha gurmadku ay sameeyeen hawl-gal adag oo ay wiilkaasi ku badbaadinayeen.

Boqortooyada ayaa sheegtay in Rayan uu geeriyooday inta aanay kooxaha samatabixintu ugu tagin godka uu ku xannibnaa.

Howlgalka samatabixinta ayaa dunida, gaar ahaa waddamada Muslimka si weyn looga daawanayay, iyagoo dadku ay ka welwelsanaayeen wiilkaasi, kuna duceynayeen in Alle isagoo badqaba bannaanka u soo saaro.

Boqorka Morocco ayaa u tacsiyadeeyay waalidka dhalay Rayan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG