Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo amray in ciidamo kahortaga duullaanka Ruushaka la geeyo bariga Yurub


Biden
Biden

Mareykanka ayaa u diri doona ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeraad ah dalalka Poland iyo Romania si ay uga difaacaan bariga Yurub dhibaatada ka dhalatay ciidamada tirada badan ee Ruushku soo dhigay xadka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka Arbacadii.

Ruushka ayaa Arbacadiii beeniyay inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaadayo dalka Ukraine, balse wuxuu muujiyay inaysan wax tanaasul ah sameyn, iyagoo ku jees jeesay Britain, kuna tilmaamay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson inuu aad u jahawareersan yahay, siyaasaddiisuna tahay mid “doqonnimo iyo jaahilnimo ah” waa sida ay hadalka u dhigeen Ruushku.

Moscow ayaa in ka badan 100,000 askari geysay meelo u dhow xudduudaha Ukraine, waxayna sheegtay inay qaadi karto tillaabooyin militeri oo aan la cayimin haddii aan la fulin dalabaadkeeda, oo ay ku jirto ballan-qaadka NATO ee ah inaysan marnaba aqbalin xubinnimada Kyiv.

Ciiamada Mareykanka ayaa ka bixi doona saldhigyada Vilseck ee dalka Jarmalka iyo Fort Bragg oo ku yaal goblka North Carolina, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, waxaana ciidamadan oo isugu jira kuwa cirka iyo dhulka ay tegi doonaan dalalka Romania iyo Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dirista ciidamadooda ay waafaqsantahay hadalladii uu u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin: "Ilaa iyo inta uu si gardarro ah u dhaqmayo, waxaan hubin doonnaa inaan u xaqiijin karno xulafadayada NATO iyo Bariga Yurub inaan halkaas joogno," ayuu yiri Biden, sida lagu sheegay Twitter-ka.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ayaa sheegay in ujeedadu tahay in digniin adag loo diro madaxweynaha Ruushak Vladmir Putin, wuxuuna sheegay inay caddeynayaan in Mareykanku diyaar u yahay difaaca NATO.

Dadaallada lagu doonayo in xal diblomaasiyadeed la gaaro ayaa sii socda, waxaana madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan lagu wadaa inuu booqdo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, halka Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz uu sheegay inuu Putin kula kulmi doono Moscow dhawaan.

Reuters

XS
SM
MD
LG