Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo xayiraadda duulimaad ka qaaday 12 dal oo Afrikaan ah


Imaaraadka Carabta ayaa xayiraadda duulimaad maalinta Sabtida ah ka qaadaya 12 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo dadka ka imanaya ama kuwa horey u booqday laga mamnuucay inay soo galaan dalkaas.

Dalalkaas ayaa kala ah; South Africa, Kenya, Nigeria, Ethiopia, Tanzania, Republic of Congo, Botswana, Eswatini, Lesotho, Mozambique, Namibia iyo Zimbabwe.

Maamulka Maareynta Musiibooyinka iyo Xasaradaha Deg Degga ah ee Imaaraadka Carabta oo loo soo gaabiyo NCEMA ayaa Arbacadii sheegay inuu qaadayo xayiraaddaas oo lasoo rogay markii uu dunida kasoo shaac baxay nooca cusub ee COVID-19 ee loo yaqaan Omicron.

Dadka ka imanaya 12-kaas dal ama booqday 14 maalmood kahor ayaa waxaa hadda looga baahan yahay inay iska baaraan COVID-19, oo ay soo helaan warqadda caddeyneysa inaan lag helin, 48 kahor inta aanay usoo dhoofin Imaaraadka Carabta.

Dadkaas ayaa sidoo kale marka ay yimaadaan Imaaraadka Carabta waxaa tijaabo kale looga qaadi doonaa gudaha garoonka kahor inta aan loo ogolaan inay gudaha u galaan.

Dadka ka imanaya saddexda dal ee kala ah; Uganda, Ghana iyo Rwanda ayaa si gaar ah u mari doona saddex tijaabo oo COVID-19 ah.

Isbeddeladan ayaa dhaqan-geli doona laga billaabo saacadda 2:30pm ee maalinta Sabtida.

Reuters

XS
SM
MD
LG