Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia oo ka digtay cunaqabateyn la saaro madaxweyne Putin


Vladimir Putin
Vladimir Putin

Madaxtooyada Russia ee Kremlin-ka ayaa sheegtay in cunaqabateyn shaqsi ah oo lagu soo rogo madaxweyne Vladimir Putin aysan wax saameyn ah yeelan doonin, ayna ka hor-iman doonto dadaallada lagu yareynayo xiisadda Ukraine.

“Siyaasad ahaa, ma xanuun badna ee waa mid wax burburineysa,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Putin, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku hanjabay tallaabooyin shaqsi oo ka dhan ah hoggaamiyaha Russia, sababo la xiriira xiisadda Ukraine.

“Xubnaha Congress-ka iyo Senetarada Mareykanka oo aan aqoon mowduucan ayaa ka hadlaya xayiraadda hantida wakiilada hoggaanka Russia,” ayuu yiri Peskov.

Waxa uu sheegay “inaysan laheyn khibrad” sababtoo ah saraakiisha sare ee Russia waa ka mamnuuc inay hanti u taallo dibedda.

Xiisadda ku aadan Ukraine ayaa sii xumaatay kadib markii Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Kremlin-ka inay ciidan gaaraya 100,000 oo askari ku daabuleen xuduudda Ukraine ayaga oo qorsheynaya inay qabsadaan.

Moscow ayaa ku eedeysay Reer Galbeedka xiisaddan waxayna soo gudbisay liis dalabyo ah, oo ay ka mid yihiin in la damaanad qaado in Ukraine aysan marnaba ku biireyn NATO iyo in ciidamada NATO laga saaro aagga Soviet-ka.

Wakiilo sare oo ka socda dalalka Jarmalka, Ruushka, Faransiiska iyo Ukraine ayaa la filayaa inay Arbacada maanta ah Paris ku yeeshaan wada-hadallo ku saabsan Ukraine.

“Waxaan rajeynayaa in wada-hadal furan oo wanaagsan uu dhici doono kana soo bixi doonto natiijada ugu wanaagsan,” ayuu yiri Peskov.

AFP

XS
SM
MD
LG