Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xuutiyiinta Yemen oo mar kale weerar ku qaaday Abu Dhabi


Xuutiyiinta dalka Yemen ee ay Iran taageerto ayaa shalay mar kale gantaalo ku weeraray dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Reuters, beegsaday saldhig ay degenaayeen ciidamada Mareykanka oo ku yaalla magaalada Abu Dhabi.

Saraakiisha Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa sheegay in gantaallada ay hawada uga hortageen oo aaney wax khasaare ah geysan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo isbuuc gudahiisa ah ay Xuutiyiintu ku qadaan caasimadda Imaaraadka, ayada oo weerar dhacay Isniintii toddobaadkii tegay ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen lix kale.

Warbixintan waxaa inoo soo koobaya Cabdixakiim Maxamud Shirwac.

Xuutiyiinta Yemen oo mar kale weerar ku qaaday Abu Dhabi
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG