LONDON —
Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo hadalka haweenay wasiir hore ka ahayd xukuumaddiisa oo sheegtay in Muslinnimadeeda darteed looga qaaday xilkii wasiirnimada.
Nusrat Ghani, oo 49 jir ah, ayaa laga qadaay xilka wasiirka gaadiidka sanaddii 2020, waxayna wargeyska Sunday Times u sheegtay in loo sheegay “in Muslimnimadeeda ay noqotay arrin walaac laga muujiyey,” intii uu socday kulan ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ee Downing Street.
Waxaa sidoo kale loo sheegay “in ahaanshaha wasiir Muslim oo haween ah ay saaxiibadeeda kale ka dhigtay kuwa ku dhib qaba,” ayey sheegtay.
Warbixintan waxaa London ka so diray Cabdixaafid Cawil Ismaacill.