Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti ka socda Taalibaan oo wada-hadallo ka billaabay Yurub


Taliban leaders
Taliban leaders

Wafti ka socda Ururka Taalibaan oo uu hoggaaminayo ku-simaha wasiirka arrimaha dibada Amir Khan Mutaqi ayaa wadahadal saddex maalmood soconaya waxay u joogaan dalka Norway.

Wada-hadalladan ayaa u dhaxeeya Taalibaan iyo mas’uuliyiin ka socota dowladaha reer galbeedka iyo wakiilada bulshada rayidka ah ee Afghanistaan.

Taalibaan ayaa isku dayeysa inay ku guuleysato in la fasaxo hantida Afghanistan ka taalla caalamka ee la xayiray wixii ka dambeeyey markii ay dalkaas dib u qabsatay bishii August 2021, sidoo kalena gargaar deg deg ah lala gaaro.

Warbixin ku saabsan arrintan waxaa London kasoo diray weriyaha VOA Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.

Wafti ka socda Taalibaan oo wada-hadallo ka billaabay Yurub
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00



XS
SM
MD
LG