SANCA —
Qaramada Midoobay ayaa Sabtidi si kulul u cambaareysay duqeyn cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudigu ka geysteen, xabsi ku yaalla magaalada Sacda ee Waqooyigalbeed ee dalka Yemen.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in weerarki Jimcihi ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof.
Wariyaha VOA-da ee Bariga Dhexe, Xuseen Zaxnuni ayaa warbixintan ku eegaya, saameynta uu dagaalka Sokeeye ku yeeshay shacabka Yemen.