LONDON —
Waxaa isa soo taraya welwelk laga qabo in Ruushku uu ku duulo dalka Ukraine, iyada oo wadamada Midowga Yurub iyo Mareykankuna muujinayaan inay meel uga soo wada jeesan doonaan haddii uu duullaan noocaas ah yimaado.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhaqdhaqaaq kasta oo ciidamada Ruushku ka sameeyaan xuduuda Ukrain sheegay in uu ka dhigan yahay weerar, Moskana ay ka shalayn doonto.
Warbixin gaar ah oo ku saabsan xiisada ka aloosan Moskow iyo Kiev waxa magaalada London inooga soo direy wariyaha VOAda Qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.