SANA —
Isbahaysiga ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa duqaymo ka fulayay xalay dalka Yemen, waxaana ku dhintay gu yaraan 30 qof oo rayid ah halka 170 kalena way ku dhaawacmeen duqayn lala beegsaday Xabsi ku yaalla gobolka Sacda.
Sidoo kale khadka Internetka ayaa gabi ahaanba ka maqan dalka Yemen ka dib markii uu isbahaysigu duqeeyay xaruunta isgaadhiisnta ee Xudayda, arrinta ayaa imanaysa iyada oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay baaaqayo kala duwan ka soo saareen dhacdooyinka u dambeeyay ee dalka Yemen, arrimahan ayaan ka waraystay Dr Xasan Al Basri oo ka tirsan jaamacadda al Axqaaf ee gobolka Xadramoot ee koonfurta Yemen.