Taliyaha talista ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in halista dhinaca amniga ee qaaradda Africa ay sii kordheyso. Jeneraal Townsend ayaa sheegay in 12-kii bilood ee u danbeeyay ay korodhay halista kooxda al-Shabaab, wuxuuna ku macneeyay sababaha arrintaas ka danbeeysa iyadoo aanay jirin cadaadis badan oo la saaray al-Shabaab sannadkii la soo dhaafay, dhaq-dhaqaaq la’aanta ciidamada AMISOM, xanuunka COVID-19 iyo waliba qalalaasaha siyaasadeed ee Somalia ka jira.
Weriyaha VOA ee Pentago-nka Carla Babb ayaa wareysatay Jeneral Townsend, waxaa soo koobaya Sahra Cabdi Axmed iyo Cabdixakiim M. Shirwa.