Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AFRICOM: Calooshood u Shaqeystayaal Ruush ah ayaa jooga Mali


Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay wararka sheegaya in kooxda Wagnar oo ah askar calooshood u shaqeystayaal ah hadda la geeyey dalka Mali. Kooxdan ayaa taageero ka helaysa militariga Ruushka.

General Stephen Townsend, madaxa ciidanka Maraykanka ee Afrika ee Africom ayaa yiri “Kooxda Wagner waxa ay ku sugan tahay Mali. Halkaas ayey joogaan, waxaanan u malaynaynaa in hadda tiradoodu ay boqolaal gaareyso. Townsend ayaa warkan idaacadda VOA u sheegay mar uu wareysi gaar ah oo khadka Skypte-ka ah siiyey Khamiista maanta ah, isaga oo ku sugan xaruntiisa magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Waxa uu intaas raaciyey “dayuuradaha ciidanka cirka ee Ruushka ayaa keenaya. Adduunyadu way arkaysaa waxan dhacaya. Annaga welwel weyn bay nagu haysaa.”

XS
SM
MD
LG