Madaxweyne Joe Biden iyo xisbigiisa Dimoqraadiga ayaa Arbacadii dhabar-jab weyn kala dulmay Aqalka Senate-ka Mareykanka, kaddib markii xisbiga Jamhuuriga ay hor istaageen shirciga ilaalinta xuquuqda codbixinta, kaas oo ay muddo sanad ah u ololeynayeen.
Dimuqraadiyiinta ayaa diyaar u ahaa inay isla markiiba u codeeyaan isbedel lagu sameeyo mid ka mid ah xeerarka Senate-ka, si ay uga gudbaan habraaca filibuster-ka oo ay u arkayeen inuu caqabd ku yahay hindisahooda, si ay ugu ansixiyaan aqlibiyad fudud sharciga ilaalinta xuquuqda codbixinta.
Laakiin bedelka sharcigan ayaa sidoo kale ku dhammaaday guuldarro, maadaama Biden uu awoodi waayay inuu ku qanciyo laba senator oo xisbigiisa ah.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Chuck Schumer, oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, ayaa isku dayay inuu dib u habeeyo qaanuunka filibusterka, isagoo hoos ugu dhigay tirada ansixita xeerkan 50-cod oo markii hore aheyd 60-cod, laakiin Kyrsten Sinema oo laga soo doorto gobolka Arizona iyo Joe Manchin oo isna laga soo doorto gobolka West Virginia ayaa diiday inay la saftaan xisbigooda Dimoqraadka, ayna beddelaan habraaca Senate-ka, taas oo Jamhuuriga fursad u siisay inay si fudud u laalan hindisahan.
Labadan Senator ayaa sheegay inay taageersan yihiin sharcigan, laakiin aysan diyaar u aheyn wax ka beddelka xeerarka Senate-ka.
Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu soo saatay kadib guuldarradan ku yiri ""Maamulkaygu waligi ma joojin doono dagaalka ilaa inta loo hubinayo xaqa codbixinta wax kasta oo ay nagu qaadato"
Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 xidhibaan ayaa hadda u kala qeybsan 50-50, waaloow Dimuqraadiyiintu ay leeyihiin aqlabiyada ciriir ah, maadaama madaxweyen ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay leedahay codka jebinta barbardhac.
Sharciga Xorriyadda Codbixinta oo ay Dimuqraadiyiintu ugu magacdareen Xeerka John R. Lewis, wuxuu maalinta doorashada ka dhigi laha fasax qaran, wuxuuna muhiim ugu ahaa doorashada soo socota ee dabayaaqada sanadkan ee loo yaqaan Mid Term, taas oo Dimoqraadiyiitu ku rajo weyniyihiin inay ku guuleystaan aqlibiyadda labada Aqal.
Dadka u dooda xuquuqda codbixinta ayaa ka digaya in gobolada uu Jamhuuriga hoggaamiyo ee dalka oo dhan ay soo saarayaan sharciyo dadka madowga ah ku adkeynaya doorashada, iyada oo gobllada qaarkood ay soo yareynayaan gobaha codbixinta, isla markaana ay dalbanayaan aqoonsi codbixiyeyaash oo dheeri ah.
Warbixintan waxay ku jira macluumad aan ka soo xiganay AP iyo Reuters.