Hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa soo dhoweysay tallaabo ay dawladda Kenya kaararka aqoonsiga ku siinayo kumannaan qof oo u dhashay Kenya balse qaxooti ahaan uga diiwaangshanaa xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Hawshan ayaa maanta ka billaabatay Waqooyi Bari Kenya. UNHCR waxay sheegtay in dadkan marka ay helaan kaararkooda aqoonsiga ay yeelanayaan xuquuq buuxda oo la mid ah tan dadka Kenya.
Tallaabadan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Ergayga Gaarka ah ee hay'adda UNHCR u qaabilsan qaxootiga Geeska Afrika Ambassador Maxamed Cabdi Affey.
Facebook Forum