Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ku baaqday in Xuutiyiintu sii daayaan markab sita calanka UAE


Markabka Rwabee
Markabka Rwabee

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay “in si degdeg ah loo sii daayo” markab uu ka babanayo calanka Imaaraatka iyo shaqaalihii la socday oo ay Xuutiyiinta Yemen haystaan tan iyo bilowgii January.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee taageeraya dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegay in markabka Rwabee uu ka soo laabtay howlgal uu ku doonayay in uu ku hergeliyo xarun caafimaad, waxayna ku tilmaameen afduubkiisa “fal burcad-badeednimo.”

Balse kooxda ay Iran taageerto ee Xuutiyiinta ayaa soo bandhigay muuqaalo ay ku sheegeen in ay ahaayeen agab milateri iyo hub saarnaa markabka, kaasi oo laga qabtay dekedda muhiimka ee Xuddeyda ee Badda Cas halkaasi oo ay fallaagadu ku xoogan tahay.

Bayaan ay soo diyaarisay Britain ayna si wadajir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa lagu dalbaday “in si degdeg ah loo sii daayo markabka iyo shaqaalihiisa” waxaana hoosta looga xarriiqay baahida loo qabo in la hubiyo badqabka shaqaalaha markabka saaran.

Golaha Ammaanka ayaa xusay “muhiimadda ay leedahay xorriyada socdaalka ee Cacanka Cadan iyo Badda Cas” waxayna ku boorriyeen “dhammaan dhinacyadu in ay dejiyaan xaaladda Yemen,” oo ay ku jirto in lala shaqeeyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay si loogu soo laabto miiska wadahadalka.

Warqad uu Imaaraadku dhowaan u diray Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in shaqaalaha markabka Rwabee ay ka kooban yihiin 11 xubnood: 7 Hindi ah, iyo kuwo kale oo u kala dhashay Ethiopia, Indonesia, Myanmar iyo Philippines.

AFP

XS
SM
MD
LG