NAIROBI —
Iskuulada, Jaamacadaha iyo xarumaha Waxbarashada ee dalka Uganda ayaa dib loo furay kadib muddo dhan laba sano oo ay u xirnaayeen cabsida ka dhalatay cudurka COVID19.
Dowladda Uganda ayaa shaacisay inuu dhamaaday xayiradii saarnayd waxbarashada eek a dhanka ahayd COVID19. Tilaabadan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay Waalidiinta iyo bahda Waxbarashada oo ay Soomaalida ku nool Uganda ay kamid yihiin.
Faahfaahinta waxaa inoo haya wariyaha VOA Khadar Maxamuud Xareed.