Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalaha Gargaarka: 56 qof ayaa ku dhintay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray


Dadkii ku dhaawacmay duqeynta ciidamada oo lagu daweynayo isbitaalka Shire Shul ee magaalada Dedebit.
Dadkii ku dhaawacmay duqeynta ciidamada oo lagu daweynayo isbitaalka Shire Shul ee magaalada Dedebit.

Duqeymo cirka ah oo ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa waxaa ku dhintay 56 qof, waxaana ku dhaawacmay 30 qof oo kale oo ay caruur ku jiraan, kuwaasi oo ku noolaa xero dadka barakacayaasha ah, sida ay Sabtida maanta ah wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba ka tirsan shaqaalaha gargaarka oo la hadlay maamulka deegaanka iyo dad goobjoogayaal ah.

Afhayeenka ciidamada Gaashaanle Sare Getnet Adane iyo afhayeenka dowladda Legesse Tulu ayaan ka jawaabin codsi ku aaddan in ay dhacdadan ka hadlaan. Dowladda ayaa hore u beenisay in ay dad rayid ah beegsatay muddadii 14-ka bilood ahayd ee uu socday dagaalka ay kula jirto ciidamada Tigreega.

Duqeyntan oo ka dhacday magaalada Dedebit oo ku taal dhanka waqooyi-galbeed ee gobolka Tigray una dhow xudduudda Eritrea, ayaa dhacday xilli dambe oo habeennimadii Jimcaha ah, sida ay sheegeen saraakiisha samafalka oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin, maadaama aysan fasax u haysan in ay la hadlaan warbaahinta.

Gelinkii hore ee Jimcihii, dowladdu waxa ay xabsiga ka sii daysay dhowr hoggaamiye oo mucaarad ah, iyadoo sheegtay in ay bilaabi doonto wadahadal ay la gasho mucaaradka siyaasadeed si loo xoojiyo dib u heshiisiinta.

Labada qof ee ka tirsan shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka. Shaqaalahan samafalka ayaa wakaalada wararka ee Reuters u diray sawiro ay ku sheegeen in ay ka qaadeen dadka dhaawaca ah ee ku jira isbitaalka, waxaana dhaawacyada ka mid ah caruur badan.

Mid ka mid ah howlwadeennada gargaarka oo booqday isbitaalka guud ee Shire Suhul oo la geeyay dhaawacyada, ayaa sheegay in kaamka ay ku nool yihiin haween da’ ah iyo carruur.

“Waxa ay ii sheegeen in duqeyntu ay ku bilaabatay saqdii dhexe. Waxa ay ahayd gudcur, oo ma aysan ka carari karin,” ayuu yiri qofkaasi ka tirsan shaqaalaha gargaarka ee la hadlay Reuters.

Ciidamada federaalka Ethiopia ayaa bishii November ee 2020-kii dagaal ku qaaday ciidamada fallaagada ah ee Tigray. Ilaa waqtigii uu dagaalku bilowday, Reuters ayaa soo warisay gabood-fallo ay gaysteen dhinacyada dagaalka, laakin dhinacyada dagaallamaya ayaa beeniyay.

Ugu yaraan 146 qof ayaa lagu dilay, 213 kalana waa lagu dhaawacay duqeymo ka dhacay gobolka Tigray ilaa 18-kii October, sida ay sheegeyso xog ay diyaariyeen hay’adaha gargaarka ayna heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

REUTERS

XS
SM
MD
LG