Dowladda Ethiopia ayaa xabsiga ka sii daysay maxaabiis siyaasadeed oo muddo u xirnaa iyadoo maxaabistanna ay dowladdu sheegtay in cafis ay u fidisay.
Maxaabiista la sii daayay waxaa ka mid ah Jawaar Mohammed oo la xiray bishii July ee sanadkii 2020-kii, islamarkaana ah nin u ololeeya xuquuqda qowmiyadda Oromada.
Waxaa warbixintan magaalada Jigjiga kasoo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.