Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada booliska Dowladda Kenya ayaa ku geeriyooday, tiro kale oo aanan wali la xaqiijinina way ku dhaawacmeen kadib markii kooxo hubeysan oo loo malaynayo inay ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Al shabaab ay maanta barqadii weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen ciidamada oo isaga kala gooshayay deegaano ka tirsan Ismaamulka gobbolka Lamu ee Kenya.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli Arbacadii lasoo dhaafay ay dowladda Kenya bandow ay kusoo rogtay deegaankada LAMU, kadib weerarro kala duwan oo isbuucii hore ka dhacay, sida uu kusoo waramayo Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Facebook Forum