Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Shiinaha oo Ergay Gaar ah u magacaabeysa Geeska Africa


Wang Yi iyo Isaias Afwerki
Wang Yi iyo Isaias Afwerki

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista maanta ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, colaada ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajoda sii fideysa.

"In la wadaago heshiis siyaasadeed iyo in la isku duwo ficillada, Shiinaha waxa ay soo magacaabi doontaa ergey gaar ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika,” ayuu Wang ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

"Waddamada Geeska Afrika waa inay aayahooda ka tashadaan oo ay shir nabadeed isugu yimaadaan" ayuu Wang ku daray.

Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda gobolka waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-Shabaab kula dagaallamayaan dowladda ay reer galbeedku taageeraan.

Shiinuhu, dhaqan ahaan waxa uu diiradda saarayaa horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika, marka loo eego siyaasadda iyo diblomaasiyadda, Wang wax tafaasiil dheeri ah kama bixin doorka ergayga.

Saraakiisha Shiinaha ayaa lix heshiis la saxiixday dhiggooda Kenya, oo uu ku jiro mid u oggolaanaya beeraleyda Kenya inay Shiinaha u dhoofiyaan Avocado cusub."Tani waxay Kenya u sahlaysa in ay yarayso isu dheeli tirnaanta ganacsi ee kala dhexeeya Shiinaha", ayay tiri Rachel Omamo, wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Reuters.

XS
SM
MD
LG