Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Quwadaha Adduunka oo isku raacay in la xakameeyo Hubka Niyukleerka

FILE - This image taken with a slow shutter speed shows an unarmed Minuteman 3 intercontinental ballistic missile test launch at Vandenberg Air Force Base, California, Oct. 2, 2019.
FILE - This image taken with a slow shutter speed shows an unarmed Minuteman 3 intercontinental ballistic missile test launch at Vandenberg Air Force Base, California, Oct. 2, 2019.

Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska, ayay ku sheegeen "In ay si xoog leh u rumeysanyihiin in faafista hubka niyukleerka ay tahay in laga hortago,"

Waxay kaloo sheegeen in dagaal loo adeegsado hub niyukleer ah aanan guul laga gaari doonin isla markaana ay tahay in aananba lagu dagaallamin.

Hadalkaan ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xaaladda xadka Ukraine iyo Ruushka, halkaas oo ay Moscow geeysay tobnaan kun oo ka mid ah ciidankeeda. Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi dhawaa.

XS
SM
MD
LG