NAIROBI —
Culumo Soomaaliyeed oo qurbaha ka tagay islamarkaana kulan diimeed ku yaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bulshada Soomaalida ee dalkaasi ku nool ka wacyigellinaya arrimaha ay ka mid yihiin ka fogaashaha xagjirnimada.
Culimada ayaa sidoo kale bulshada ku boorisay sidii Soomaalidu ay diintooda ugu toosnaan lahaayeen iyagoo iska ilaalinaya xadgubka, iyo dambiyada la xiriira xagjirnimada.
Sheeikh Maxamuud Cabdi Faarax oo kamid ah culumadii ka qeybgashay kullankaasi ayaa muhiimadda shirkan uu bulshada u leeyahay uga warramay Wariyaheena magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Facebook Forum