Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo dumarka Afghanistan kusoo rogtay xayiraad culus


Kooxda ka talisa Afghanistan ee Taalibaan ayaa Axaddii soo saaray xayiraado cusub oo dhanka socdaalka ah oo lagu soo rogay haweenka dalkaasi, tallaabadaas oo uu Mareykanka ku dhaleeceeyay inay si aan habbooneyn ula dhaqmeen haweenka Afghanistan kooxda Taalibaan.

Wasaaradda Farista Wanaagga iyo Ka-hortagga Xumaha ayaa xaddidaysa awoodda haweeneydu ay ku safri karto in ka badan 72 kiiloomitir haddii aanu la socdo nin qaraabo dhow ah.

Waxa ay sidoo kale ku amartay tagsiilayaasha in ay qaadaan kaliya haweenka xiran xijaabka ama uu madaxu u daboolan yahay.

Afhayeenka Wasaaradda Sadiiq Akif Mahajer ayaa difaacay xannibaadaha, isagoo VOA u sheegay inay waafaqsan yihiin sharciga iyo Shareecada Islaamka.

Wareegtada ayaa sidoo fartay darawallada gaadiidka ragga kaliya ee Afghanistaan inay sii daayaan garka, ayna tukadaan salaadaha ayna joojiyaan inay muusik ku dhex shidaan baabuurtooda.

Xayiraadaha ugu dambeeyay ayaa imaanaya toddobaadyo ka dib markii Taaliban ay ka codsatay telefishinada Afghanistan inay joojiyaan bandhigga riwaayadaha iyo xayaysiinta saabuunta ay ku sawiran yihiin gabdhaha jila filimada, iyo sidaas oo kale in gabadhaha suxufiyiinta ah ay xirtaan xijaab inta ay hawada ku jiraan.

XS
SM
MD
LG