Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taalibaan oo kala dirtay guddiyada doorashada Afghanistan


Taalibaan ayaa kala dirtay guddiga doorashada Afghanistan, kaas oo kormeerayay goobaha codbixinta ee maamulkii hore ee ay reer galbeedku taageerayeen, sida uu sheegay afhayeen u hadkay dowladda Taalibaan Sabtidii.

"Looma baahna in guddiyadani ay jiraan oo ay shaqeeyaan," ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Taliban Bilal Karimi, isaga oo tixraacaya guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka (IEC) iyo guddiga madaxa-banaan ee cabashooyinka doorashooyinka.

“Haddii aan dareenno baahi loo qabo guddiyadan, Imaaradda Islaamiga ah ayaa soo nooleyn doonta,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa guddigan IEC la asaasay sanadkii 2006, waxaana loo igmaday in ay maamulaan, ayna kormeeraan dhammaan noocyada doorashada, oo ay ku jirto doorashada madaxweynaha, sida ku cad bogga guddiga.

Karimi wuxuu sheegay in maamulkoodu uu sidoo kale bur-buriyay laba wasaaradood oo dowli ah toddobaadkan; Wasaaradda Nabadda, iyo Wasaaradda Arrimaha Baarlamaanka.

Taalibaan ayaa hore u xirtay wasaaraddii hore ee arimaha haweenka, iyada oo ay ku badashay wasaarada farista wanaagga iyo ka hortagga xumaha.

XS
SM
MD
LG