Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Itoobiya: Dharbaaxo culus ayaa ku dhacday TPLF


Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu aysan gali doonin gobolka Tigray, kadib markii xoogga Tigreegu ay dib ugu gurteen gobolkaas toddobaadkan, waxaana falanqeeyayaashu ay sheegayaan in labada dhinac ay muujinayaan in ay jiri karto daaqad xabbad joojin ah.

Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya, Legesse Tulu, ayaa ku dhawaaqay in hakadka ciidamada Itoobiya uu yahay badbaadada wax uu ugu yeeray naf hurnimo dheeraad ah iyo in laga fogaado eedeymo kale oo gabood fallo ah.

Tulu ayaa sheegay in ciidamada Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) – ay ku dhufteen dharbaaxo xoog leh.

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada difaaca ee Itoobiya ay dib u soo ceshadeen gacan ku heynta bariga Axmaarada iyo qaybo ka mid ah Canfarta, lagu amray in ay ku sugnaadaan goobaha ay hadda ku sugan yihiin.

Hakadka ciidmada Itoobiya ayaa yimid markii ciidamada Tigray-ga ay Isniintii ku dhawaaqeen inay ka baxayaan gobolada deriska la ah, si ay ugu gogol xaaraan nabadda, kadib warqad ay u direen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Waraaqda ayaa lagu sheegay in sababta ugu weyn ee dib u gurashada ciidankooda ay tahay in shacabka Tigreega ay dhibbaneyaal u yihiin dagaalka socda 13-ka bilood.

Kooxda xasaradaha caalamiga ah (IGC) ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in labada dhinacba ay tahay inay xabbad-joojinta u adeegsan fursad wadahadal.

"Fursaddani runtii...waa fursad naadir ah, si ay dhinacyadu u helaan waddo wadahadal," ayuu yiri Murithi Mutiga, oo ah madaxa ICG ee Geeska Afrika.

"Waa arrin dhiirri-gelin ah in ciidamada Tigray-gu ay u arkaan inaysan mar dambe isku dayi karin cadaadis ay saaraan Addis Ababa; laakiin sidoo kale waxay dhiirri-gelinaysaa in mas'uuliyiintu dhinaca dowladda ay go'aansadeen inay joojiyaan guulaha ay ka gaareen dagaalka oo aysan u dhaqaajin Tigray." ayuu raaciyay Mutiga.

XS
SM
MD
LG