Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbaheysiga Sacuudiga oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca


Isbaheysiga ay hoggaamiso boqortooyada Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen, ayaa Isniintii sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen waxa ay ugu yeereen bartilmaameedyo militari oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ee Sacuudiga ayaa bilaabay beegsiga goobo uu ka mid yahy garoonka ee Caasimadda Yemen oo ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo dagaal kula jira isbaheysiga muddo 7 sano ah.

Intii uu socday dagaalka Yemen oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen, ayay xoogagga Xuuthiyiinta ku weerareen gudaha Sacuudiga gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay ku aargoosanayaan duqeymo xagga cirka ah oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Yemen.

Duqeymihii maanta ayaa Isbaheysiga Sacuudigu la beegsaday xarumaha laga hago diyaaradaha Drones-ka, iyo guryaha ay degan yihiin shaqaalaha iyo tababareyaasha diyaaradahaas.

Isbaheysiga ayaa dadka rayidka ah u sheegay in ay ka baxaan agagaarka garoonka diyaarahada ka hor inta aysan weerarin, sida ay baahisay walaalada wararka ee dowladda Sacuudiga.

Garoonka Sanca ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii ka caagganaa duulimaadyada rayidka, inkasta oo diyaaradaha Qaramada Midoobay loo oggolaaday in ay kasoo degaan.

Reuters.

XS
SM
MD
LG