Isku xirrada

War Deg-Deg ah

47 qof oo lagu dilay dalka Nigeria


Ciidamada ammaanka Nigeria ayaa baadigoobaya kooxo hubeysan oo 47 qof ku dilay weerarro maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay baadiyaha waqooyi-galbeed ee dalkaas, kuwaas oo ah dilalkii ugu dambeeyay ee gobolka ay dhibaatadu ka jirto.

Weerarrada ayaa ka dhacay waqooyi-galbeed ee gobolka Kaduna ee deriska la ah caasimadda Nigeria ee Abuja, sida uu xaqiijiyay madaxa gobolka Kaduna ee dhanka ammaanka Samuel Aruwan.


Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas, balse waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan kooxaha burcadda ah ee ku dilay ugu yaraan 2,500 oo qof gobollada waqooyi-galbeed iyo gobollada dhexe sanadkan 2021-ka, sida lagu sheegay tirokoob ay soo ururiyeen Golaha Xiriirka Dibadda ee Mareykanka.

Weerarrada ayaa kor u kacay seddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana la filayaa in tirada dhimashada sanadka ay sii kororto.

Kooxaha hubaysan ayaa u badan dhalinyaro ka soo jeeda qowmiyada Fulani oo dhaqan ahaan xoolo-dhaqato reer guuraa ah, waxaayna muddo tobanaan sano ah dagaal kula jireen bulshooyin beeraleyd ah oo reer Hausa ah, waxaana inta badan dilalkaas ku salaysanyihiin biyo iyo dhul daaqsimeed.

AP.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG