Isku xirrada

War Deg-Deg ah

30 qof oo lagu gubay Nigeria


Nigeria
Nigeria

Ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah oo saarnaa bas marayey gobolka Sokoto ee dalka Nigeria ayaa geeriyoodey kadib markii ay dabley qabadsiiyeen dab Talaadadii, waxaana booliska iyo dadka deegaankuba ay sheegeen in tani ay tahay dhacdo kale oo xasuusinaysa amni darada sii kordheysa ee ka jirta Nigeria.

Dableyda hubeysan oo dalka Afrika ugu dadka badan loo yaqaan 'burcad' ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa ay fuliyeen weerarro xooggan oo lala beegsaday dadka deggan meelaha tuulooyinka ah iyo dadka rakaabka ah ee ku safraya waddooyinka waaweyn, waxaana ay afduubteen boqollaal carruur ah oo dhiganayay skuullada waqooyiga dalkaas, si ay madax furasho uga qaataan.

Sanusi Abubakar oo ah afhayeenka booliska gobolka Sokoto ee waqooyi galbeed Nigeria ayaa sheegay in baska ay saarnaayeen 24 rakaab ah markii ay dab qabadsiiyeen kooxo hubeysan waxaana uu sheegay in toddobo qof oo dhaawac la dhigay isbitaalka.

Laakin labo ka mid ah dadka deegaanka oo goobta gaaray oo gacan ka geystay soo saarista meydadka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in basku si xad dhaaf ah u rarnaa, meydadkuna ay gubteen oo aan la aqoonsan karin, iyagoo sheegay inay tiriyeen ugu yaraan meydka 30 oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

XS
SM
MD
LG