Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay madaxa sirdoonka Uganda


Mareykanka ayaa Talaadadii cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay madaxa sirdoonka ciidamada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, kaas oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, kuwaas oo ay geysteen ciidankiisu, uuna oga jiritaanka xabgudubyadan.


Milatariga Uganda ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go'aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Washington, oo sannadihii u dambeeyay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.

Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tillaabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta iyo wiiqidda dimuqraadiyadda dalalkaas.

Waaxda Maaliyadda ayaa soo rogaysa cunaqabatayn is daba joog ah todobaadkan kahor bilowga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadiyadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.

"Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dadka reer Ugandan "sababo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaaminayay su'aalo la weeydiinayay shaqsiyaadka la xiray," ayaa lagu yiri bayaanka.

Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiraysa hantida Genral Kandiho, waxayna guud ahaan ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.

Bayaan ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheega inay ka xunyihiin tallabada mareykanka.

"Waan ka xunnahay in go’aankan oo kale uu qaato dal aan u aragno saaxiib iyo isbaheysi weyn, iyadoo aan loo marin habraac caddaaladeed” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Uganda.

Reuters.

XS
SM
MD
LG