LONDON —
Madaxweynaha Faransiiksa Emmanuel Macron ayaa sheegay in dhowr dal oo reer Yurub ahi ay ka baaraan-degayaan inay xafiis diblamaasiyadeed ka furtaan Afqhanistan, wuxuuse carabka ku adkeeyey in aysan macnaheedu ahayn in ay si rasmi ah u aqoonsanayaan dowladda Taalibaan.
Dowladaha reer galbeedka ayaa ka fakarayay qaabka ay ula macaamilayaan maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan.
Warbixin ammuurtaas ku saabsan waxaa magaalada London inooga soo diray wariyheena qaarada Yurub Abdihafid Awil Ismail.