Abaaraha ka jira Geeska Africa ee saameeyay dadka iyo duunyada meelaha ay ka jiraan waxaa ka mid ah dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Ethiopia. Waxaa maamulka gobolka uu sheegay in xoolo ka badan 60 kun oo neef ay ku baxeen abaaraha dad fara badan ay abaartu ka barakicisay deegaanadooda.
Wasiirka xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka Dawlad Deegaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheekh Ibraahin ayaa xaaladda abaarta ee deegaanka uga waramayay wariyaha VOAda ee Jigjiga Maxamed Cabdiraxman Gaataa.