Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah maleeshiyada Daacish


Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaada maanta ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.

"Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda maanta ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC," ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.

Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga guda dalalkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Mid ka mid ah madax dhaqameedka iyo qof kale oo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii Talaadada ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bari ee Congo.

Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri "Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan." "Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay." yay sii raacisay.

Isniintii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa diiday inay oggolaato hawlgallo wadajir ah oo ay Uganda la sameyso si ay u baacsato ADF, iyadoo ku adkaysatay inay wadaagayaan oo keliya xogta.

Reuters.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG