Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nooca cusub ee xanuunka COVID-19 oo caalamka walaac ku abuuray


Nooca cusub ee xanuunka ee COVID-19 ayaa si xowli ah ugu faafaya qaaradda Yurub, maalmo kadib markii saynisyahanno u dhashay waddanka South Africa ay halistiisa soo bandhigeen, wuxuuna walaac ku abuuray dowlado badan oo dunida ah.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa Sabtidii adkeysay shuruucda kahortagga xanuunkan, iyada oo tijaabo caafimaad ka qaadi doonta dadka soogalaya xudduudaheeda, kaddib markii UK laga helay laba kiis.

Kiisaska cusub ayaa sidoo kale Sabtidii laga xaqiijiyay Jarmalka iyo Talyaaniga, iyada oo Belgium, Israel iyo Hong Kong ay sidoo kale ay xaqiijiyeen in xanuunka cusub laga helay dadka safarka ah.

Gudaha Mareykanka, Dr. Anthony Fauci, oo ah khabiirka cudurada faafa ee ugu sareeya dowladda, ayaa sheegay inuusan la yaabi doonin haddii nooca cusub ee COVID-19 ee omicron uu horeyba ugu sugnaa Mareykanka.

"Weli ma aynaan arag xanuunkan, laakiin marka uu jiro fayras muujinaya heerkan gudbinta ah, xilli kasta ayuu meel kasta gaari karaa" ayuu Dr. Fauci u sheegay TV-ga NBC.

Waxaa sidoo kale jirta cabi ah in xanuunkan uu awood u yeesho inuu u adkeysto tallaalka COVID-19.

Walaaca laga qabo in mar kale dunidu dib ugu noqoto xayiraadihii kahortagga xanuunkan ayaa isna isi soo taraya.

Ku dhawaad laba sano ayaa laga joogaa markii uu biloowday cudurka faafa ee COVID-19 ee galaafatay nolosha in ka badan 5 milyan oo qof oo ku kala nool daafaha caalamka.

XS
SM
MD
LG