Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya oo Mareykanka weydiisatay 'in uu joojiyo faafinta wararka been abuurka ah' ee dagaalka


Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay.

Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta "warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,"

Waxa uu soo hadal qaaday bayaan ka soo baxay safaarada Maraykanka Talaadadii kaas oo ku booriyay muwaadiniinteeda in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, sababtuna ay tahay “suurtogalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca Itoobiya”.

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay erisay afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababtoo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen 'wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka.'

Reuters.

XS
SM
MD
LG