Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag ku eedeysnaa kiiskii Ahmaud Arbery oo lagu helay fal dambiyeed dil ah


Gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayay xeerbeegtii waxa ay saddex nin oo caddaan ah ku heshay dambi dil ah oo ay u geysteen Ahmaud Arbery oo ka soo jeeday bulshada African American-ka ah.

Xeerbeegtida ayaa toban saac oo ay kiiska gorfeynayeen waxa ay ku heleen eedeysanaha koowaad Travis McMichael, oo 35 jir ah, in uu geystay dil bareer ah. Aabihiis oo lagu magacaabo Gregory McMichael oo 65 jir ah, iyo nin ay deris yihiin oo lagu magacaabo William "Roddie" Bryan, oo 52 jir ah ayaa iyana lagu helay danbigaasi dilka ah. Dhammaan saddexda nin ayaa wajahaya xabsi daa'im. Haddaba, Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa dacwaddan sida loo soo afjaray ka wareystay Ismaaciil Maxamed oo ah qareen deggan gobolka Ohio ee dalkan Mareykanka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG