Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isul Wasaare Hamdok oo ballanqaaday baaritaanka dadkii lagu dilay dibadbaxyadii Sudan


Ra’isul Wasaaraha dib loo soo celiyay ee dalka Sudan Abdalla Hamdok ayaa sheegay, in la billaabay baaritaan ku saabsan tacadiyadii loo geystay dadkii dhigay mudaaharaadyadii looga soo horjeeday afgambigii uu militariga sameeyay bishii hore.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay, in Hamdok uu warka kaga dhawaaqay kulan uu xalay fiidkii la yeeshay Ururka Awoodda Isbaddalka iyo Xorriyadda ee loo soo gaabiyo (FFC) oo ah dhaq-dhaqaaqa ugu weynaa ee ururada rayidka ah ee kasoo horjeestay taliska militariga Sudan.

FFC ayaa Axaddii sheegay inaysan aqoonsan doonin heshiis kasta oo ay ku lug leeyihiin taliska millatariga, Iyaga oo ku adkeystay in la baabi’yo dhammaan magacaabistii ay millitarigu sameeyeen muddadii ay maqneyd dowladda kumeel gaarka ee rayidka ah.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadii looga soo horjeeday afgambigii Sudan ka dhacay 25-ki bishi October.

Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay dilka dadka rayidka ahaa.

XS
SM
MD
LG