Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Anthony Blinken ayaa ugu baaqay madaxda Africa in ay dalalkooda iyo dadkooda ku hoggaamiyaan dowlad-wanaag, waxaana hadalkiisu ku soo beegmayaa iyadoo xagjirnimo hubeysan, musuq maasuq iyo kali-talisnimo ay qaaradda caqabado ku yihiin.
Wariyaha VOA ee arrimaha Diblumaasiyadda Sindy Saine ayaa warbixintan noo soo dirtay, waxaana noo soo koobaya Maxamed Colaad Xassan.