Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Austin: Mareykanka waxaa ka go'an ballan-qaadka amni ee Bariga Dhexe


Wasiirka Difaaca Bahrain Abdulla bin Hasan Al-Nuaimi oo soo dhoweynaya xoghayaha Difaaca Lloyd Austin
Wasiirka Difaaca Bahrain Abdulla bin Hasan Al-Nuaimi oo soo dhoweynaya xoghayaha Difaaca Lloyd Austin

Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah sheegay in uu awood u leeyahay in uu “ciidan xooggan" geeyo Bariga Dhexe xilli uu wajahayo su’aalo ku saabsan sida ay wali uga go’an tahay ammaanka gobolka.

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa ka sheegay shirka Wadahadalka Manama ee ka socda caasimadda Bahrain in dhammaan xulashooyinku ay furmi doonaan waa haddii buu yiri diblumaasiyadu ay ku fashilanto in ay hakiso barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, isaga oo sidoo kale ku qasbanaaday in uu beeniyo sheegashada ah in Mareykanku uu ka caga jiidayo in uu awood ciidan adeegsado.

“Aan si cad u sheegno: Ballanqaadka Mareykanka ee amniga Bariga Dhexe waa mid xooggan oo la hubo,” ayuu yiri Austin oo intaa raaciyay, “waxaa sidoo kale naga go’an in aynaan u oggolaan Iran in ay hesho hub nukliyeer ah.”

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa la weydiiyay sababta aysan Washington uga jawaabin weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiicda loo adeegsaday ee bishii hore lagu qaaday saldhig ay adeegsadaan isbaheysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish ee Syria.

“Maraykanka waxa uu xaq u leeyahay in uu is difaaco. Annagu waan difaaceynaa nafteenna iyo danaheenna, si kastaba ha ahaatee, wakhtiga iyo goobta innaga ayaa doorashadeeda leh,” ayuu Austin kaga jawaabay. “Dal, iyo shakhsiba yuusan taas ku khaldamin. Waxaa naga go’an in aan difaacno nafteenna iyo danaheenna, taasna waxaa sidoo kale ku jira tan saaxiibadeenna.”

Saraakiisha gobolka Bariga Dhexe ayaa ka walaacsan ballan-qaadka Mareykanka ee gobolka, gaar ahaan, doonistiisa ku aadan inuu heshiis nukliyeer ah la galo Iran, iyo ka bixistii Mareykanka ee dalka Afghanistan.

Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa sheegay in “saaxiibada iyo cadawga labaduba ay og yihiin" awoodaha uu Maraykanku ciidan ku daabuli karo.

Austin ayaa sidoo kale Sabtida maanta ah sheegay in Maraykanka ay u badan tahay in uu raadin doono xal dibloomaasiyadeed sababtoo ah buu yiri, maamulka Biden, diblumaasiyadda ayaa u ah ahmiyadda koowaad.

Isaga oo soo xiganaya madaxwaynihii hore ee Maraykanka Dwight Eisenhower, Austin ayaa yiri, “hubku kaligiis dunida ma siin karo nabad joogto ah.”

XS
SM
MD
LG