Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Imaaraadka oo iibsaneysa laba kooxood oo ka tirsan horyaalka Brazil


Madaxweynaha Brazil Jair Bolsonaro ayaa Jimcihii sheegay in Imaaraadka Carabta ay doonayaan inay iibsadaan laba kooxood oo kubbadda cagta ah oo ka dhisan Brazil.

Bolsonaro, oo dhawaan ka soo laabtay safar uu ku tagay Imaaraadka, ayaan wax tafaasiil ah ka bixin kooxahaas, laakiin wuxuu sheegay inuu u soo jeediyay kooxda Botafogo oo ka dhisran Rio de Janeiro, taas oo uu taageero wiilka uu dhalay.

"Imaaraadku waxay caalamka ku leeyihiin 12 kooxood oo kubbadda cagta ah, waxayna doonayaan laba kooxood oo ay halkan ka iibsadaan,," ayuu ku yiri madaxweyne Bolsonaro.

Kooxda ugu caansan ee ay leedahay Imaaraadku, oo uu maal-galiyo Sanduuqa Maalgelinta ee Mubadala Investment Company, ayaa ah kooxda Manchester City ee Britain, oo uu hoggaamiyo Pep Guardiola.

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Brazil ee Eduardo Bolsonaro, ayaa sheegay in guddoomiyaha Manchester City Khaldoon Al Mubarak uu goobjoog ka ahaa kulamada uu la yeeshay wafdiga Brazil.

Reuters.

XS
SM
MD
LG