Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada ammaanka Suudaan oo toogasho ku dilay 15 qof


Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 15 qof kaddib markii ay kumanaan qof oo reer Suudaan ah isugu soo baxeen waddooyinka Arbacadii shalay, taasoo ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bil ah oo ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo xukunka milateri.

Dibad-baxayaashan oo kasoo horjeedat afgambigii bishii hore ee Oktober 25-keedii ka dhacay caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka Bahri iyo Omdurman, ayaa dalbanayay in si buuxda dib loogu soo celiyo maamulkii rayidka ahaa iyo in hoggaamiyeyaasha afgambiga la soo taago maxkamad.

Ciidamada ammaanka ayaa riday rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay uga hortagaan isku imaatinka saddexda magaalo, waxaana la jaray isgaarsiinta telefoonnada gacanta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dibadbaxayaasha iyo booliiska.

"Ciidamada inqilaabku waxay u adeegsadeen rasaas nool meelo kala duwan oo caasimadda ah, waxaana jira tobanaan dhaawacyo ah oo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay," ayay yiraahdeen Golaha Dhexe ee Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah koox la safan dhaqdhaqaaqa dibadbaxa, waxayna intaas ku dareen in dhimashada ugu badan ay ka dhacday magaalada Bahri.

Hoggaamiyaha militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa sheegay in la ogolyahay mudaaharaad nabadeed, sidoo kalena milatarigu aanu dilin dibad-baxayaasha.

Dhimashada Arbacadii ayaa 39 qof ka dhigtay tirada guud ee dhimashada tan iyo markii uu dhacay inqilaabka militari.

Reuters

XS
SM
MD
LG