Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Kenya oo cadaadiyey xabad-joojin ka dhacda Ethiopia


Blinken and Raychelle Omamo
Blinken and Raychelle Omamo

Mareykanka iyo Kenya ayaa Arbacada maanta ah cadaadiyey xabad-joojin ka dhacda Ethiopia, ayaga oo weli rajo ka qaba in xal lagu heshiiyey la dhex dhigo dowladda iyo mucaaradka dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken, oo ku guda jira safar uu ku marayo saddex dal oo Afrika ah, oo sidoo kale ay qeyb ka yihiin Nigeria iyo Senegal, ayaa digniin ka muujiyey dib uga laabashada dimqoraadiyadda ee dunida, isaga oo Kenya ku dhiiri-geliyey inay qabato doorasho xor, ah sanadka soo socda.

Blinken ayaa saacad iyo bar la hadlayey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo uu la yeeshay wada-hadallo markii hore la qorsheeyey 10 daqiiqo kaliya.

Kenyatta ayaa Axaddii booqasho lama filaan ah ku tegay Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed xilli mucaaradka Tigray ay ku hanjabeen inay u ruqaansan doonaan caasimadda.

“Waxaan aaminsannahay suurta-galnimada ah in Ethiopia ay xal u hesho xasaraddan. Waxaan aaminsannahay in xabad-joojin ay suurta-gal tahay,” waxaas sidaas tiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo oo ay shir jaraa’id wada qabteen Blinken kadib wada-hadallo ay yeesheen.

Blinken ayaa ku baaqay in “tallaabooyin xooggan loo qaado nabadsa” iyo in dib loo billaabo kaalmada bani’aadaminimo, ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul oo kale ah.

“Waxaan ku celinayaa baaqeenaa ku aadan in dhammaan dhinacyada ay si deg deg ah u billaabaan wada-xaajood dhab ah oo ku aadan joojinta colaadaha, shuruud la’aan,” ayuu yiri Blinken.

Ethiopia ayaa muddo xulufo dhow la aheyd Mareykanka, hase yeeshee Washington ayaa waxaa niyad jebiyey xayiraadda lagu sameeyey in gargaar la gaarsiiyo gobolka Tigray, oo QM ay sheegtay inuu wajahayo cunaqabateyn bani’aadaminimo.

Blinken ayaa maanta sheegay in Mareykanka aanu Meesha ka saareyn inuu “dilalka ka dhacay” Tigray ku qeexo xasuuq.

AFP

XS
SM
MD
LG