KAMPALA —
Booliska dalka Uganda oo faah faahin ka bixiyay weeraradii shalay lagu qaaday caasimadda Kampla ayaa sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen saddex qof oo is-miidaamiyay, kuwaas oo mid kamid ah uu isku soo xiray boorsada dhabarka oo qaraxa lagu soo rakibay.
Labada qof ee kale ay iyaguna weerarada u isticmaaleen mootooyinka laba lugoodley ah.
Dhinaca dalka Kenya, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka waddanka, ka dib weeraradii khasaaraha dhaliyay ee shalay lagu qaaday magaalada Kampala.Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan inoo soo diray.